FIFA oo shaacisay waqtiga la ciyaarayo koobka adduunka ee Qatar 2022 (Waa waqti aan wali horay loo ciyaarin)

(Qatar) 13 Luulyo 2018 FIFA ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday waqtiga la ciyaarayo koobka adduunka ee Qatar 2022.

Maadaama dalka Qatar uu aad u kulul yahay bilaha sida saxda ah loo ciyaaro koobka adduunka ee 6-aad iyo 7-aad ayaa keentay in la badalo oo lagu beego waqti qabow.

Image result for Qatar 2022

Qabowga jawiga ee dalka Qatar ayaa ku beegan bilaha November iyo December, koobka adduunka ee soo socda ayaana la ciyaaraya xiliciyaareedka dhexdiisa.

Madaxwaynaha FIFA ee Gianni Infantino ayaa xaqiijiyay in koobka adduunka ee Qatar 2022 uu bilaabanayo 21-November wuxuuna soconayaa ilaa 18-December.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close