DEG DEG: Kooxda Juventus oo shaacisay xilliga rasmiga ah oo ay soo bandhigayso Cristiano Ronaldo

(Turin) 13 Luulyo 2018. Kooxda kubadda cagta Juventus ee Waddanka Talyaaniga ayaa xaqiijisay xilliga rasmiga ah oo ay saxaafadda u soo bandhigi doonto saxiixeeda cusub ee Cristiano Ronaldo.

Juventus waxa ay shaacisay in Cristiano Ronaldo ay si rasmi ah u soo bandhigi doonto isagoo Bianconero ah Maalinta Isniinta ah ee soo aaddan.

Kooxda Juve ayaa barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka ku soo qortay, “16.07.18. Cristiano ayaa imaanaya Turin”.

Dhinaca kale Sky Sport Italia ayaa sheegaya in 33-sano jirkaan uu shir jaraa’id qaban doona 17:30 Galabnimo Waqtiga UK, kaddib marka uu yimaado Turin oo uu ka gudbo tijaabada caafimaadka.

Naga war haaya oo hanaga dheeraanina, CR7 maalintiisii wayneed ayaa soo dhow, wixii warar ah oo ku soo kordha xaaladda Ronaldo kala soco goolfm.net.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close