Ancelotti oo xiddig muhiim ah ka doonaya Bayern Munich

(Naples) 13 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa laacib muhiim ah ka doonaya kooxdiisii hore ee Bayern Munich.

Ancelotti ayaa ku amray maamulka Napoli soo xerogalinta xiddiga qadka dhexe ee Javier Martinez kaas oo muhiim u ah kooxda reer jarmal sida uu baahiyay Sky Italia.

Image result for Javier Martinez Ancelotti

Tababaraha reer talyaani ayaa u arka Javier Martinez badalka ku haboon ee Jorginho kaas oo qarka u saaran ku biirida Chelsea maalmaha soo socda.

Napoli ayaa ku dadaalaysa sidii ay ugu qancin lahayd Bayern Munich iibka Javier Martinez, balse waxaa la ogsoon yahay in Bayern aysan si fudud ku fasixi doonin 29 jirka reer Spain.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close