Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona Eric Abidal oo ka hadlay mustaqbalka Yerry Mina

(Barcelona) 13 Luulyo 2018. Agaasimaha ciyaaraha kooxda Barcelona Eric Abidal ayaa ka hadlay mustaqbalka Yerry Mina, wuxuuna sheegay inay ku xiran tahay macalinka reer Spain ee Ernesto Valverde.

Eric Abidal ayaa sheegay inay wanaagsan tahay in ay wada hadlaan tababaraha kooxda kooxda Barcelona Ernesto Valverde iyo difaaca Yerry Mina.

“Waa wax iska caadi ah in marka aad joogto koox weyn inaad dooneyso in markasta aad ciyaarto, balse taas macnaheeda ma ahan in qof walba u ciyaarayo”.

“Waxaa ila haboon in Yerry Mina ay wada hadlaan macalinka kooxda, anaga ahaan aad ayaan ugu qanacsanahay qaab ciyaareedka difaaca ree Colombia iyo bandhigii uu ka sameeyay koobka aduunka”.

“Laakiin arinta ku aadan inuu ka qeyb qaadan doono kulamada kooxda Barcelona iyo inkale waxay ku xiran tahay macalinka kooxda”.

Yerry Mina ayaa xili ciyaareedkiisa ugu horeeyay ee kooxda Barcelona wuxuu kasoo muuqday kaliya 6 kulan, 6-da bulood ugu horeesay uu soo xirnaa maaliyada barca, maadaama uu kooxda yimid suuqa bishii January ee lasoo dhaafay.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close