Xiriirka kubadda cagta Soomaaliya oo u diiday xiddigaha ajaanibta in ay ciyaaraan tartanka…………….

(Muqdisho) 12 Luulyo 2018Qoraal ka soo baxay xiriirka kubadda cagta Soomaaliya ayaa tartan muhiim ah loogu joojiyay xiddigaha ajaanibta ee ka ciyaara dalkeena.

Dhamaadka toddobaadka ina soo aadan waxaa si rasmi ah u furmi doona tartanka Star League oo si wayn loo wada sugayo.

Xiddigaha Ajaanibta ah ayaa loo diiday in ay ciyaaraan Star League, oo dhawaan ka furmi doona garoonka Banaadir.

Dhamaan kooxaha ayaa lagu war galiyay in tartan dhawaan furmaya aan loo ogoleen xiddig aan dalka u dhalan, taa soo ka dhigan in xiddigaha dalkeena ay fursad wayn heli doonaan.

Khabiirada kubadda cagta ayaa sheegaya in go’aankani uu yahay kii u wanaagsanaa, isla markaana dalka ay u soo bixi karaan xiddigo laf dhabar ah.

Dekedda, Banaadir, Heegan iyo Horseed oo tartankaan ka qayb qaadanaya ayaa waxa u diiwaan gashan dhowr xiddig oo aan dalka u dhalan, halka Jeenyo iyo Elman aysan wadan hal  xiddig oo ajinabi ah.

Sidoo kale lixda kooxood ee ka qayb qaadanaysa tartankaan ayaana loo ogolayn in ay la soo shir tagaan xiddigahooda cusub.

Go’aankaan ma saamayn doono tartamada Janeraal Daa’uud iyo horyaalka, waxa uuna gaar u yahay Star League oo ku cusub dalkeena.

Sikastaba Tartanka Star League ayaa markii ugu horaysay la qaban doonaa, iyadoo kooxdii ku guulaysataa la siin doono lacag dhan shan kun oo doolar.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close