“Waxay moodeen inay u gudbi karaan finalka koobka aduunka, laakiin anaga ayaa ciyaareyna”… Ivan Rakitić

(Russia) 12 Luulyo 2018. Ivan Rakitić ayaa sheegay inuu xanuunsanaa kulankii warreega afar dhamaadka ay ku wada ciyaareen xulalka Croatia iyo England.

Laacibka kooxda Barcelona ayaa wuxu ka warbixiyay in uu xumadeysnaa inta uu ku gudi jiray kulankii ay ugu gudbeen wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018.

“Waan xumadeysnaa kulankii England, hada waxaan dareemayaa daal badan, xaqiiqdii waxaana sariirta jiifay maalin dhan”.

Rakitić ayaa sidoo kale ku  maadeestay kalsoonada ay saxaafada England ka muujiyeen in xulka qaranka saddexda libaax uu guul ka gaari karay kulankan Croatia.

“Waxay u qabeen inay u gudbi karaan finalka koobka aduunka ka hor ciyaarta”.

“Wargeysyada hasii wadaan hadalkooda, balse anagu waxaan ciyaari doonaa kulanka finalka koobka aduunka”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close