Wargeyska “Marca” oo shaaciyay in 54% Jamaahiirta Real Madrid ay go’aamiyeen xidiga ay doonayaan in uu badal u noqdo Ronaldo

(Real Madrid) 12 Luulyo 2018. Wargeyska Isbaanishka ah ee “Marca” ayaa ku dhawaaqay aftida ku aadan xidiga badalka u noqon kara inuu noqdo badalka Cristiano Ronaldo.

Cristiano Ronaldo ayaa ugu dhaqaaqay kooxda reer talyaani ee Juventus aduun dhan 100 milyan euro, wuxuna sanadii mushaar ahaan u qaadan doonaa 30 milyan euro.

Natiijada kasoo baxday aftida uu qaaday wargeyska “Marca” ee dalka Spain ayaa waxay u dhacday si ka duwan sida la filayay.

Jamaahiirta Real Madrid ayaa waxay dalbadeen in la sameeyo saxiixa da’ayarka reer France ee Kylian Mbappé, kadib markii ay u codeeyeen 54% jamaahiirta Real Madrid in  Bernabeu uu yimaado Mbappé.

Labadaba xidig Hazard iyo Neymar ayaa codeyntii la sameeyay sida ay u kala horeeyaan u kala helay 15% iyo 14%. Halka xidiga kooxda Tottenham Hotspur ee Harry Kane codadkii la bixiyay 10%.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close