Riyad Mahrez oo ka warbixiyay riyada iyo ujeedka uu u yimid kooxda Manchester City

(Man City) 12 Luulyo 2018. Riyad Mahrez ayaa daaha ka qaaday riyadiisa iyo ujeedka uu ka leeyahay kooxda Manchester City, kadib markii uu dhawaan si rasmi ah ugu soo dhaqaaqay.

Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday saxiixa laacibkii hore kooxda Leicester City, kadib markii labada dhinac ay kuwada heshiiyeen.

Riyad Mahrez ayaa ah heshiiskii ugu qaalisanaa ay sameeyeen taariikhda maamulka kooxda Manchester City, kadib markii uu ugu soo dhaqaaqay aduun dhan £ 60 million.

Aymeric Laporte ayaa ahaa saxiixii ugu qaalisanaa kooxda Sky Blues wuxuuna ku yimid aduun dhan 57 million pounds suuqii xagaaga ee lasoo dhaafay.

Mahrez ayaa wareysi uu bixiyay wuxuu kaga hadlay ujeedka uu u yimid kooxda Manchester City.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay inaan u dhaqaaqo Manchester City, waa waxaan la rumeysan Karin inaan noqdo heshiiska ugu qaalisanaa kooxda”.

“Riyada iyo hamigeyga Manchester City waa inaan ku guuleysto Champions League xilli ciyaareedka soo socda, sidaasi darteed ma jiraan wax inaga dhiman si aan ugu guuleysano tartankan”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close