Nasser Al-Khelaifi oo si shaqsi ah u soo faragaliyay arinta Adrien Rabiot iyo Barcelona

(Paris) 12 Luulyo 2018 Barcelona ayaa aad ugu dhaw dhamaystirka saxiixa laacibka kooxda PSG ee Adrien Rabiot kadib heshiis afka ah oo ay la gaartay.

Kooxda reer Spain ayaa laacibka reer France ku la heshiisay inuu u saxiixo heshiis 5-sano ah, isaga oo mushaar u qaadanaya bishii 600 kun oo euro.

Image result for adrien rabiot Barcelona

L’Equipe ayaa daaha ka qaaday in milkiilaha PSG ee Nasser Al-Khelaifi uu si shaqsi ah u soo faragalinayo arinka Adrien Rabiot.

Al-Khelaifi ayaan marnaba diyaar u ahayn in Adrien Rabiot uu ku biiro Barcelona, wuxuuna isku dayi doonaa inuu si shaqsi ah u qanciyo 23 jirkaan.

Adrien Rabiot ayaa ka codsaday kooxdiisa in loo kordhiyo mushaarka si uu ugu saxiixo heshiis cusub, laakiin caga jiid uu ka dareemay darteed ayaa keentay inuu la heshiiyo Barcelona.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close