Murug u soo hoyatay Real Madrid kadib iibintii Ronaldo (Taageerada kooxda oo …….!!)

(Madrid) 12 Luulyo 2018 Real Madrid ayaa 105 milyan oo euro ku iibisay laacibkeedii hore ee Cristiano Ronaldo kaas oo ku biiray kooxda Juventus.

AS ayaa daaha ka qaaday in taageerada Real Madrid ay hoos u dhacday kadib ku dhawaaqistii in Ronaldo uu ku biiray Juventus.

Taageerayaasha Real Madrid ee barta Twitter-ka ayaa ahaa 31.97 milyan, kooxda ayaana waysay ku dhawaad hal milyan oo taageere 24-saac gudahood kadib ku dhawaaqistii bixida Ronaldo.

Waxaa la saadaalinayaa maalmo iyo bilooyin kadib in taageerada kooxda ee baraha bulshadu ay hoos u sii dhici doonto.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close