Kadib Ronaldo, waa kuma laacibka labaad ee ka tagi doona Real Madrid?

(Madrid) 12 Luulyo 2018 Ronaldo ayaa ka tagay talaadadii kooxda Real Madrid, wuxuuna ku biiray kooxda Juventus oo ku la wareegtay lacag dhan 105 milyan oo euro.

Wararka laga helayo gudaha Real Madrid ayaa sheegaya in weerar yahanka reer France ee Karim Benzema uu noqon doono laacibka labaad ee ka tagaya Real kadib Ronaldo.

Waxaa la ogaaday in Benzema uusan sii joogi karin Real Madrid suuqa xaggaagan maadaama uusan haysan ragii siin jiray garabka.

Benzema ayaa garab ka helayay tababare Zidane iyo waliba Cristiano Ronaldo, labaduba waa ay ka tageen kooxda taas oo ka dhigan in isagana uu ka tagi doono.

Napoli ayaa diyaar u ah inay la wareegto Benzema suuqa xaggaagan, kooxda reer talyaani ayaa diyaar la ah 40 milyan oo euro.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close