Jorginho oo la filayo inuu maanta tijaabada caafimaadka u maro Chelsea

(London) 12 Luulyo 2018 Chelsea ayaa ka dul qaaday Manchester City saxiixa xiddigii Napoli ee Jorginho sida ay baahisay London Evening Standard.

Blues ayaa ku la heshiisay Napoli lacag dhan 57.4 milyan oo Ginni, waxaana heshiiska qayb ka ah tababare Maurizio Sarri oo isna maraya dhanka Chelsea.

Jorginho ayaa ku la heshiiyay kooxda Chelsea inuu u saxiixo heshiis dhan 5-sano, isaga oo qaadanaya isbuucii mushaar dhan 102 kun oo Ginni.

Wararka ayaa intaa ku daraya in laacibka la filayo inuu maanta u maro Chelsea tijaabada caafimaadka, heshiiska ayaana la filan karaa in lagu dhawaaqo barri ama caawa.

Gool FM 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close