Heshiiska Cristiano Ronaldo uu ugu biiray Juventus waxay faa’iido u noqon doontaa Napoli”… Ancelotti

(Italy) 12 Luulyo 2018. Carlo Ancelotti ayaa sheegay u dhaqaaqista Ronaldo ee kooxda Juventus inay faa’iido weyn ku qabi doonto kooxda Napoli.

Cristiano ayaa si layaab leh ugu biiray kooxda reer Talyaani ee Juventus 100 million euros wuxuuna saxiixi doonaa heshiis ilaa iyo 2022.

Ancelotti ayaa aaminsan in imaatinka Ronaldo ee kooxda Juvenus ay dhamaan faa’iido weyn ku qabi karaan kooxaha horyaalka Serie A.

“Cristiano Ronaldo waa ciyaaryahanka ugu fiican adduunka”.

“Kubada cagta dalka Talyaaniga wax badan ayay ka faa’idi doontaa imaatinka Cristiano ee horyaalka Serie A”

“Napoli waxay qeyb ka tahay kooxaha faa’iidada ku qabi doona heshiiska Ronaldo, uu ku yimid  Juventus”.

“Kooxaha Talyaaniga oo dhan waxay isku dayi doonaan in ay dagaal la galaan Juventus, kadib imaatinka Cristiano Ronaldo”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close