Fabregas oo ku kacay qalad wayn kadib markii uu Chelsea kala hormaray Cayrinta Antonio Conte!

(London) 12 Luulyo 2018 Cesc Fabregas ayaa si lama filaan ah u shaaciyay in tababare Antonio Conte laga cayriyay shaqada kooxda Chelsea.

Blues wali si rasmi ah uguma dhawaaqin arinkaan, balse Fabregas ayaa ka yaabsaday taageerayaasha kooxdiisa kadib markii uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka fariin uu ku macsalaamaynayay tababarihiisa.

Fabregas ayaa ugu mahadceliyay tababare Conte horyaalkii iyo FA Cup-kii uu u qaaday Chelsea, wuxuuna u rajeeyay mustaqbal wanaagsan.

Cesc ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“Waad ku mahadsantahay Mister horyaal kale iyo FA Cup-kii (aad u qaaday Chelsea), ma fududayn inaan ku qanciyo bilowgii hore, balse dhamaadkii waxaan rajaynayaa inaad igu faani jirtay, nasiib wacan mustaqbalkaaga”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close