Ciyaartoyda xulka France oo is tusay hal arin oo ka caawin karta inay garaacaan Croatia Axada

(Moscow) 12 Luulyo 2018 Ciyaartoyda xulka qaranka France ayaa ka sii baaraan dagaya qaabkii ay ugu guulaysan lahaayeen koobka adduunka.

Xulka Croatia ayaa xalay ciyaaray kulan aad u adag, waxayna ciyaareen 120-daqiiqo kulankii 3-aad oo xiriir ah.

Ciyaartoy xulka qaranka France ayaa isku sheegay in daalka ay dareemayaan ciyaartoyda Croatia inuu ka caawin karo inay si fudud guul uga gaaraan Axada.

Image result for Umtiti

Samuel Umtiti oo ka hadlay kulankaas ayaa yiri:

“Croatia ayaan la ciyaaraynaa Final-ka koobka adduunka, waa xul haysta koox ciyaartoy ah oo cajiib ah sida Luka Modric, Ivan Rakitic iyo Mario Mandzukic”.

“Si dhab ah ayaan u doonaynaa inaan ku guulaysano koobka, waxaan ka faa’idaysan doonaa daalka xulka Croatia kuwaas oo ciyaaray 120-daiiqo 3-kulan oo xiriir ah”.

“Waxaan rajaynayaa inaan ciyaaro Final-ka oo aan ku guulaysto, riyo wayn ayaan leenahay waana xaqiijin doona, waan samayn doonaa wax walba oo aan ku qaadi karno koobka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close