Agaasimaha ciyaaraha Barcelona Éric Abidal oo ka hadlay wararka ku aadan in ay raacdo ugu jiraan saxiixa Eden Hazard

(Barcelona) 12 Luulyo 2018. Agaasimaha ciyaaraha ee kooxda Barcelona Éric Abidal ayaa ka hadlay wararka ku aadan in ay raacdo ugu jiraan saxiixa Eden Hazard suuqan xagaaga.

Eden Hazard ayaa lala xiriirinayay inuu kusii jeedo kooxda Real Madrid oo raadineysa badalka Cristiano Ronaldo oo kaga dhaqaaqay kooxda Juventus.

Laakiin Barcelona ayaa la shaaciyay in ay heshiiskan gadaal kaga soo biirtay si ay kaga dul qaado kooxda ay ku dagaalamaan kubada cagta ee Real Madrid.

Hadaba Agaasimaha ciyaara ee kooxda Barcelona ayaa kala hadlay xaqiiqada arintan saxaafada, kadib markii ay soo baxeen warar badan ee ku aadan in Barca ay xiiseneyso saxiixa  Hazard.

“Imaatinka Eden Hazard ee kooxda Barcelona? Waa in su’aashaas la weydiiyaa laacibka, anagu kama hadalno xidigaha aanan heysanin”.

“Hadii aan dooneyno inaan la saxiixano ciyaaryahan, waxaad ogaan doontaan markiauu halkan yimaado”

Barcelona ayaa maanta sameesay saxiixyada lababada xidig ee kala ah Clement Lenglet iyo Arthur Melo.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close