Siduu noqday Messi kadib markii uu ogaaday in Ronaldo uu ku biiray Juventus?

(Barcelona) 11 Luulyo 2018 Ku biiridii Ronaldo ee kooxda Juventus ayaa fikir gaar ah ku dhalisay Lionel Messi oo uu kala dhexeeyo tartan aad u culus.

Don Balon ayaa daaha ka qaaday in Messi uu rumaysan waayay in Cristiano Ronaldo uu ka tagay Real Madrid isla markaana uu ku biiray Juventus.

Laacibka ayaa dareensan in haatan Ronaldo uu wajahayo cadaadis ka yar kii ku haystay Real Madrid, taas oo u fududaynaysa inuu ku guulaysto marar kale xiddiga adduunka.

Messi ayaa ka fikiraya sida uu noqon doono tartankii kala dhexeeyay Cristiano maadaama uu ku biiray horyaal ay kaabo ka tahay kooxda uu ku biiray taas oo u fududaynaysa inuu wacdaro ka dhigo koobka horyaalada yurub.

Labada laacib ayaa haatan wada wadaaga min 5-Ballon d’Or.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close