Riyad Mahrez oo fariin qiiro badan la wadaagay jamaahiirta kooxda Leicester City

(Man City) 11 Luulyo 2018. Laacibkii hore kooxda Leicester City Riyad Mahrez ayaa fariin qiiro badan u diray jamaahiirta kooxdiisii hore, kadib markii uu dhameystiray heshiiska uu ugu dhaqaaqay Sky Blues.

Riyad Mahrez ayaa go’aansaday in uu u dhaqaaqo loolan cusub ee  ah isla gudaha dalka England, si uu kala shaqeeyo Pep Guardiola kooxda Manchester City.

Mahrez ayaa ayaa kusoo qoray bartiisa rasmiga ah ee Inistigram-ka fariin macsalaaneys ah ee ku aadan jamaahiirta Leicester City.

“Dhamaan taageerayaasha Lester, waxaan si wada jir ah u sameenay waxyaabo cajiib ah, waxaana sidoo kale sameenay taariikh”.

“Ku guuleysiga Premier League iyadoo ay joogaan kooxaha waaweyn oo dhan, waxay ahayd wax wanaagsan aysan suuragal noqon karirin idinka la’aantiin inaan sameyno aniga iyo kooxda”.

“Waad ku bahadsan tihiin sida aad ii soo dhaweyseen maalinta ugu horeesay isla markaana aad ii garab istaagteen xirfadeyda kooxda Leicester City”.

“Waxaan sidoo kale u mahad celinayaa saaxiibadey iyo shaqaalaha tababarka kooxda, waxaad noqoteen qeyb ka mid ah nolosheyda”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close