Kylian Mbappe oo raali galiyay ciyaartoyda xulka Belgium kadib balaayadii uu ka raaciyay xalay!

(Moscow) 11 Luulyo 2018 Weerar yahanka orodka badan ee xulka qaranka France ee Kylian Mbappe ayaa raali galiyay xiddigaha xulka Belgium kadib wacdaradii uu ka raacsiiyay xalay.

Qaar kamid ah xiddigaha xulka Belgium ayaa ku eedeeyay Kylian Mbappe inuu waqtiga luminayay xalay taas oo ay ka dhigteen marmarsiiyo.

Balse laacibka ayaa sheegay inuu raali galinayo dhamaan ciyaartoyda xulka Belgium haddii ay dareemeen liidnaan.

Image result for Kylian Mbappe

“Waan raali galinayaa ciyaartoyda xulka Belgium haddii ay dareemeen ihaano iyo liidnaan dhankeyga ah” ayuu yiri Kylian Mbappe.

“Haatan waxaan joogaa Final-ka koobka adduunka, taas ayaana ah waxa wanaagsan”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close