Goorma ayaa la ciyaarayaa Final-ka koobka Adduunka? (Maalinta iyo saacada la daawan doono)

(Moscow) 11 Luulyo 2018 Xulka qaranka Croatia ayaa caawa guul ka gaaray dhigiisa England oo ay wada ciyaareen Semi final-ka koobka adduunka.

Croatia ayaana la ciyaaraysa Final-ka koobka adduunka xulka qaranka France oo xalay guul ka gaaray Belgium.

Kulanka kama danbaysta koobka adduunka ayaa la ciyaarayaa Axada taariikhduna ku beegan tahay 15-ka July, saacaduna tahay 6-da maqribnimo ee waqtiga bariga Afrika.

France ayaa doonaysa ku guulaysiga koobka adduunka markii labaad ee taariikhda, halka Croatia ay raadinayso markeedii koowaad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close