“Cristiano Ronaldo wuxuu ka tagay Real Madrid sababtoo ah ma uusan ka tirsaneen Barcelona”… Jordi Cardoner

(Baracelona) 11 Luulyo 2018. Madexweyne ku xigeenka kooxda Barcelona Jordi Cardoner ayaa wareysi uu ku bixiyay radio Cadena SER ayaa wuxuu kaga hadlay fikirkiisa kaga aadan bixitaanka Cristiano Ronaldo.

Jordi Cardoner ayaa si cad u sheegay in uu farqi u dhexeeyo xaaladaha Lionel Messi, Xavi Hernandez, Andres Iniesta oo hal dhinac ah iyo Cristiano Ronaldo oo hal dhinac ah, sababa la xiriira in Cristiano uusan kusoo barbarian kooxda.

“Xavi, Iniesta iyo Mess ayaa kusoo barbaaray xaalad daganaan ah, ciyaartoyda iyagoo kale ah ee ku yimid Barcelona da’aada 13 jir, xirfadooda waxay ku bilaawaneysaa kuna dhamaaneysaa Barcelona”.

Si kastaba 33 jirkan ayaa sanadii mushaar ahaan kaga qaadan doono kooxda Juventus aduun dhan 30 million euros s, wuxuuna saxiixi doonaa heshiis gaaraya ilaa iyo sanada 2022.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close