Ciyaartoyda Real Madrid ma aaminsanayn in Ronaldo uu ka tagayo kooxda ilaa ….!!

(Madrid) 11 Luulyo 2018 Xiddigaha kooxda Real Madrid ayaa rumaysan waayay in Cristiano Ronaldo uu ka tagayo kooxda suuqa xaggaagan.

Marca ayaa daaha ka qaaday in dhamaan ciyaartoyda Real Madrid ay been u malaynayeen wararka sheegaya in laacibku uu ka tagayo kooxda.

Balse waaga ayaa ku baryay dhamaan ciyaartoyda kooxda markii xalay si rasmi ah loogu dhawaaqay inuu ku biirayo Juventus.

Xiddigaha Real Madrid waxay rumaysnaayeen in saaxiibkood uu sii joogayo kooxda, layaab ayeeyna u arkayeen in xarunta tababarka Real uu ka maqnaado Ronaldo 9-sano kadib.

Dhamaantood waa ay ogaayeen waxa ay ka dhigan tahay ka tagista Real Madrid, sidaas darteed waxay u arkayeen Ronaldo inuusan ka tagi karin kooxda ilaa ay ka arkeen xaqiiqda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close