Benjamin Mendy oo sharaxaad ka bixiyay waxa uu ula jeeday Sawirkaan

(Moscow) 11 Luulyo 2018 Laacibka xulka France iyo kooxda Manchester City ee Benjamin Mendy ayaa xalay la arkayay isaga oo taageerayaasha u tilmaamaya Kante.

Dad badan ma fahmin waxa uu ula jeeday tilmaantii uu bixinayay Benjamin Mendy kaas oo taageerayaasha u sheegayay inay u sacabtumaan Kante.

Image result for Mendy Kante

Benjamin Mendy ayaa la waydiiyay wixii uu ula jeeday tilmaantii uu bixinayay xalay kadib guushii xulka France uu ka gaaray Belgium, wuxuuna yiri:

“Waxaan u sheegayay taageerayaasha inay u sacbiyaan Kante waayo waa uu u qalmaa, dadku waxay ka hadlayaan qofka goolka dhaliyay oo kaliya”.

“Laakiin waxa Kante uu ka samaynayo gudaha garoonka waa wax cajiib ah”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close