Wenger oo difaacay xidigiisa hore ee Ozil sababa la xiriira eedeeymaha uu kala kulmay jamaahiirta reer Germany

(World Cup) 10 Luulyo 2018. Arsene Wenger ayaa hadlay xaalada adag uu haatan ku sugan yahay xidigiisii hore ee Mesut Özil.

Mesut Özil ayaa dhaleeceeno xoogan la kulmay kadib qaab ciyaareedka liitaa uu kala soo muuqday xulka qaranka Germany iyo in ay isga hareen koobka aduunka 2018.

Arsene Wenger ayaa markan ka hadlay xaalada adag uu dhexda kaga jiro  wiilkiisii hore ee reer Germany Ozil.

“Waan aqaanaa Ozil, waa xidig aad u wanaagsa, wuxuu leeyahay xirfad aad u wanaagsan”.

“Gündoğan iyo Ozil waxay la kulmeen dhibaatooyin kahor koobka aduunka”.

Özil iyo Gündoğan ayaa lagu eedeeyay in ay sawiro la galeen madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdoğan kahor koobka aduunka.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close