Thibaut Courtois oo rikoor cajiib ah kasoo barbareeyay halyayga reer Belgium Jean-Marie Pfaff

(Russia) 10 Luulyo 2018. Goolhayaha xulka Belgium Thibaut Courtois ayaa ku soo bilawday kulankan xulkiisa uu ku wajahayo France wareega afar dhamaadka Koobka Aduunka 2018 ee Russia.

Shabakada looga haray uruurinta tira koobyada iyo rikoorada ee “Opta” ayaa sheegtay in Thibaut Courtois uu kulanka caawa u yahay kulankiisii 64-aad ee xulka Belgium.

Thibaut Courtois ayaa wuxuu sidaas kusoo barbareeya  rikoorka halyayga reer Belgium Jean-Marie Pfaff.

Thibaut Courtois ayaa sabab buuxa u ahaa in xulkiisa qaranka Belgium uu soo gaaro wareega afar dhamaadka koobka aduunka, kadib markii ay 2-1 kaga soo adkaadeen Brazil kulankii 8-da.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close