Tartanka kubadda kolayga wiilasha iyo gabdhaha degmooyinka gobolka Banaadir oo gaba gaba soo gaaray

(Muqdisho)  10 Luulyo 2018.  Waxaa heer gaba gaba ah soo gaaray tarmada kubadda kolayga wiilasha iyo gabdhaha oo si xiiso leh ugu soconaya garoonka Wiish.

Maamulka Isboortiga gobolka Banaadir ayaa  shaaciyay goorta uu billaaban doono wareega afar dhamaadka tartanka gabdhaha degmooyinka  kaa soo hakad ku jiray.

Afar degmo oo kala ah Hodan, Shibis, Boondheere iyo Wadajir ayaa isugu soo haray dhanka dumarka,  waxaana la amba qaadi doonaa maalinta khamiista ee ina soo aadan.

Gabdhaha Hodan ayaa ku aaday Shibis,halka Boondheere iyo Wadajir ay isku dhacayn, waxaana guud ahaan tartanka la soo af meeri doonaa 17 –ka bishaan.

Iminka waxaa wareega siddeed dhamaadka maraya tartanka wiilasha oo kullan adag bari dhex mari doono Hodan iyo Shangaani, xilli afar dhamaadka ay iska xaadiriyeen Wadajir, Yaqshiid iyo Shibis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close