Sami Khedira oo Ronaldo ku soo dhaweeyay Juventus

(Torino) 10 Luulyo 2018 Sami Khedira oo Ronaldo ay saaxiibo ku ahaayeen Real Madrid ayaa ku faraxsan inuu la midoobo markale.

Real Madrid ayaa si rasmi ah u shaacisay inay aqbashay codsi uu u soo gudbiyay Ronaldo kaas oo uu ku doonayay in loo ogolaado ku biirida Juventus.

Image result for Sami Khedira Ronaldo

Ronaldo ayaa qalinka ugu duugaya Juventus heshiis 4-sano ah, sanadkii wuxuu heli doonaa lacag dhan 30 milyan oo euro.

Kadib markii lagu dhawaaqay saxiixa Cistiano Ronaldo ee Juventus ayuu soo qoray Sami Khedira:

“Cristiano Ronaldo, ku soo dhawaaw Torino, waqti wayn ayaan ku wada qaadanay Real Madrid, mana sugi karo inaan markale ku la shaqeeyo, maanta maalin gaar ah ayeey u tahay Juventus”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close