Roma oo ku jees jeestay kooxda Juventus kadib markii ay Real Madrid kala heshiisay saxiixa Cristiano Ronaldo

(Italy) 10 Luulyo 2018. Kooxda reer Talyaani ee Roma ayaa ku jees jeestay dhigeeda Juventus kadib markii ay Real Madrid la gaartay heshiiskii qarniga.

Hadalka kooxda Rooma ayaa wuxuu imaanayaa kahor inta aysan si rasmi ah ugu dhawaajin saxiisa Cristiano Ronaldo isla markaana aysan u soo bandhigin saxaafada.

Kooxda Talyaaniga ayaa u adeegsatay Cristiano Ronaldo sawirka xidiga ay ku dagaalamaan kubada cagta ee Lionel messi, sababa la xiriira si ay ugu jees jeesaan ku biiristiisa kooxda Juventus.

Roma ayaa soo dhigtay barteeda rasmiga ah ee Twitter-ka sawirka Lionel Messi iyo Francesco Totti.

Juventus iyo Real Madrid ayaa manta oo talaado ah ka wada heshiiyay in Cristiano Ronaldo uu ugu dhaqaaqo aduun dhan 100 million euro iyo 12 million euros ee ah lacagaha kala wareejinta heshiiska.

Cristiano Ronaldo ayaa saxiixi doono heshiis gaaraya ilaa iyo 2022, wuxuuna sanadii mushaar ahaan ku qaadan doonaa aduun dhan 30 million euros.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close