Mijatović oo sheegay in Ronaldo uusan heli doonin koox ka fiican Real Madrid, kadib markii la xaqiijiyay inuu ku biirayo Juventus

(Real Madrid) 10 Luulyo 2018. Agaasimihii hore ciyara ee kooxda Real Madrid Predrag Mijatović ayaa ka hadlay bixitaanka Cristiano Ronaldo, kadib marka la xaqiijiyay inuu ku biirayo kooxda Juventus.

“Waan ixtiraamaa dhamaan kooxaha laakiin lama helayo Real Madrid oo kale, Ronlado si wanaagsan ayuu u garanayaa”.

“Waxaan filayaa dhibaatada kala dhexeysa madaxweynaha kooxda Florentino Perez inay ku qasabtay in uu gaaro go’aankan”.

“Ma filayo in Cristiano Ronaldo uu bixin doono qaab ciyaareedkii hore mudada 4-ta sano ee soo aadan sababtoo ah wuxuu ku gudi jiraa gaba gabada xirfadiisa kubada cagta, inkastoo uu ku kalsoonyahay naftiisa”.

“Si kastaba ha ahaatee, waxa uu sameyn doonaa qaab ciyaareed wanaagsan ku biiristiisa Talyaaniga”.

“Wax walba uu Cristiano ka sameeyay Real Madrid waa mid aan la rumeysan karin, waan u xiisi doonaa, mana ilaawi doono, laakiin kani waa go’aankiisa”.

Si kastaba kooxda reer Spain ee Real Madrid ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqday bixitaanka Cristiano isla markaana uu si rasmi ah ugu biirayo kooxda Juventus.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close