Kadib Neymar, PSG oo ka dhigaysa Philippe Coutinho xiddiga ugu qaalisan adduunka!

(Paris) 10 Luulyo 2018 PSG ayaa isku dayeeysa inay xaalufiso Barcelona kadib markii ay ka qaadatay xaggaagii hore Neymar oo ay ku la wareegtay 222 milyan oo euro.

Barcelona ayaa la wareegtay Philippe Coutinho suuqii Janaayo, wuxuuna u ciyaaray kooxda kaliya 6-bil, balse PSG ayaa u sheegtay inay doonayso.

Image result for Coutinho psg

Kooxda reer France ayaa ku wargalisay Barcelona inay diyaar u tahay inay faraqa ugu shubto lacag dhan 270 milyan oo euro oo ah lacag ka badan lacagtii ay ku iibsatay Neymar xaggaagii hore.

Barcelona wali wax go’aan ah ma qaadan oo ku aadan dalabka uga yimid PSG, wayna adag tahay in Barcelona ay fasaxdo Coutinho oo ku jira ciyaartoydeeda laf dhabarta u ah.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close