Barcelona oo ka dul qaadaysa Real Madrid saxiixa Eden Hazard

(Barcelona) 10 Luulyo 2018 Barcelona ayaa qayb ka soo noqotay tartanka saxiixa xiddiga Chelsea iyo xulka Belgium ee Eden Hazard.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Barcelona ay u dhaqaaqayso soo xerogalinta Eden Hazard suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Eden Hazard ayaa doonaya inuu ka tago Chelsea maadaama kooxdu aysan ciyaarayn koobka horyaalada yurub xiliciyaareedka cusub.

Laacibka oo shalay bixiyay waraysi ayaa si maldahan u sheegay inuu jecel yahay u ciyaarida Real Madrid, wuxuuna yiri:

“Funaanada Real Madrid marwalba waa cajiib, laacib walba ayaa ku riyooda inuu xirto”.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa ku dagaalami doona saxiixa Eden Hazard suuqa xaggaagan maadaama Barca ay ka dhigatay bartilmaameedkeeda koowaad.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close