“Waan ku farxi doonaa haddii Modric uu ku guulaysto Ballon d’Or”!

(Moscow) 09 Luulyo 2018 Weerar yahanka xulka qaranka Croatia ee Mario Mandzukic ayaa ka hadlay fursada Modric uu ugu guulaysan karo sanadkaan abaal marinta xiddiga adduunka.

Hogaamiyaha Croatia ee Luka Modric ayaa si muran la’aan ah u qaadan doona Ballon d’Or haddii uu xulkiisa u qaado koobka adduunka sanadkaan.

Image result for Modric Ballon d'Or 2018

Arbacada ayeey Semi Final-ka koobka adduunka la ciyaari doonaan xulka qaranka Ingiriiska, Mario Mandzukic oo ka hadlay arinta Modric ayaana yiri:

“Waan ku farxi doonaa haddii Modric uu ku guulaysto Ballon d’Or waayo waa uu u qalmaa, balse haatan waxaan ku fikiraynaa inaan si wada jir ah guul ula gaarno xulka”.

“Heer sare ayuu ka ciyaarayay muddo sanado ah, waa mid kamid ah xidigaha ugu wanaagsan qadka dhexe, waana hogaamiyaheena”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close