Robert Lewandowski oo badalay go’aankii uu uga tagayay Bayern Munich (Maxaa soo kordhay?)

(Munich) 09 Luulyo 2018 Weerar yahanka Bayern Munich ee Robert Lewandowski ayaa ka farxiyay taageerayaasha kooxdiisa.

Laacibka ayaa dadaal dheer u galay sidii uu uga tagi lahaa Bayern Munich suuqa xaggaagan ka hor intii uusan bilaaban koobka adduunka.

Bild ayaa daaha ka qaaday inay ogaatay in Robert Lewandowski uu badalay maankiisa isla markaana uu go’aansaday inuu sii joogo kooxdiisa.

Laacibka ayaa qorsheeyay inuu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo kooka adduunka si uu u helo dalab wayn, balse taasi ma dhicin.

Wuxuuna go’aansaday inuu iska sii joogo kooxdiisa Bayern Munich kadib niyad jabkii uu ka soo qaaday koobka adduunka.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close