Macalinka xulka qaranka Ruusia Stanislav Cherchesov oo ka warbixiyay xulka uu taageeri doono koobka aduunka 2018

(Russia) 09 Luulyo 2018. Macalinka xulka qaranka Ruushka Stanislav Cherchesov oo ka warbixiyay xulka uu jeclaan lahaa inuu ku guuleysto koobka aduunka 2018 ee haatan ka socdo dalka Russia.

Stanislav Cherchesov ayaa sheegay inuu taageeri doono xulka qaranka Belgium wareega afar dhamaadka koobka aduunka, maadaama ay saaxiiba dhow yihiin tababare Roberto Martinez, wuxuuna sheegay inay kulmeen kahor inta uusan bilaawan koobka aduunka.

Xulka qaranka Belgium ayaa habeen dambe kulan adag kula ciyaari doono wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018 dhigiisa France, kadib markii ay kaga soo gudbeen wareegii siddeeda xulka Brazil.

Hadaba tababare Stanislav Cherchesov ayaa kahor kulankan la wadaagay saxaafada xulka uu taageri doono wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

“Waxaan taageeri doonaa xulka qaranka Belgium, sababtoo ah waxaan jeclahay tababare Roberto Martinez, waxaan u arkaa inuu yahay saaxiibkey”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close