“Kama xumi in Ronaldo uu ii daba mareeyo Juventus balse waxaan ka xumahay …..” – Buffon oo hadlay!

(Paris) 09 Luulyo 2018 Gianluigi Buffon ayaa ka hadlay saxiixa Juventus ay ku dhawdahay ee Cristiano Ronaldo kaas oo qarka u saaran inuu xirto maaliyada kooxdiisii hore.

Buffon ayaa ku biiray PSG xaggaagan kadib markii uu ka tagay Juventus, wuxuuna sheegay inuusan ka xumayn in Ronaldo uu daba mareeyo.

Wuxuuna intaa ku daray inuu ka xun yahay oo kaliya goolashii uu ka dhaliyay Final-kii Champions League ee 2017.

Image result for Buffon Paris

“Marnaba kama xumi in Ronaldo aan ku arko Juventus kadib markii aan ka tagay, waxa kaliya ee aan ka xumahay ayaa ah goolashii uu iga dhaliyay Final-kii Champions League ee Cardiff” ayuu yiri Buffon.

“Imaanshaha Ronaldo ee Juventus wuxuu kor u qaadi doonaa qiimaha suuqa ee horyaalka talyaaniga”.

“Layaab iguma ahan in Ronaldo uu ku biiro Juventus, waan ku farxi doonaa taas waayo waxaan ogahay in taageerayaashu ay xiddig cusub u baahanyihiin sanad walba”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close