Juventus iyo wakiilka Ronaldo oo qorshahaan u dagay Real Madrid

(Madrid) 09 Luulyo 2018 Wargayska TuttoSport ayaa daaha ka qaaday qorshe ay wada dageen Juventus iyo wakiilka Cristiano Ronaldo.

Jorge Mendes iyo Maamulka Real Madrid ayaa qaatay kulan lagu go’aaminayo mustaqbalka Ronaldo bishii Janaayo ee sanadkaan.

Labada dhinac ayaa isku afgartay in Ronaldo lagu fasaxo lacag dhan 100 milyan oo euro, inkasta oo qandaraaskiisa lagu burburin karo hal bilyan oo euro.

Marka laga reebo kooxaha Spain, PSG oo France ah iyo 5-ta koox ee ugu wayn Ingiriiska, waxaa la isku raacay in dhamaan kooxaha kale ay ku qaadan karaan Ronaldo kaliya 100 milyan oo euro.

Florentino Perez kuma baraarugin Juventus, sidaas darteed iyaga oo kaashanaya wakiilkiisa Jorge Mendes ayeey dageen qorshe loogu magac daray “Qorshihii shaydaanka”.

Jorge Mendes ayaa maanta soo gaaray Madrid, wuxuuna barri la qaadanayaa Real Madrid kulankii lagu go’aamin lahaa mustaqbalka Ronaldo.

Perez marnaba iska ma jirayn Juventus, waana sababta uu ilaa haatan u qaadan la’yahay in Ronaldo uu ku fasaxo kaliya 100 milyan oo euro, waliba koox ku la tartamaysa Champions League.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close