RASMI: Fernando Hierro oo ka tagay shaqada xulka Spain

(Madrid) 08 Luulyo 2018 Xiriirka kubadda cagta Spain ayaa xaqiijiyay in tababare Fernando Hierro uu ka tagay shaqadii uu ka haayay xulka.

Fernando Hierro ayaa si ku meel gaar ah loogu dhiibay tababaraha xulka Spain hal maalin ka hor intii uusan bilaaban koobka adduunka kadib markii la cayriyay Julen Lopetegui oo heshiis la gaaray Real Madrid.

Maamulka xiriirka kubadda cagta Spain ayaana u dooqday Fernando Hierro oo markaas ahaa agaasimaha ciyaaraha ee xiriirka Spain inuu hogaamiyo xulka inta uu socdo koobka adduunka.

Spain ayaa ku soo hartay wareega 16-ka ee koobka adduunka, Fernando Hierro ayaana go’aan saday inuu ka tago shaqada xulka Spain iyo waliba tiisii hore ee ahayd agaasimaha ciyaaraha ee xiriirka.

Fernando Hierro ayaa agaasimaha ciyaaraha xulka Spain ahaa tan iyo 2007.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close