Luka Modric oo ka hadlay fursada uu ugu guulaysan karo sanadkaan Ballon d’Or

(Moscow) 08 Luulyo 2018 Kabtanka xulka qaranka Croatia ee Luka Modric ayaa loo saadaaliyay inuu ku guulaysan karo Ballon d’Or sanadkaan.

Laacibka ayaa xalay la gaaray xulkiisa Croatia Semi Final-ka koobka adduunka kadib markii ay gool ku laad ku reebeen xulka Ruushka.

Image result for modric ballon d'or

Luka Modric ayaa Champions League la qaaday koooxdiisa Real Madrid, wuxuuna ku guulaysan karaa xiddiga sanadka haddii uu xulkiisa u qaado koobka adduunka.

Kadib dhamaadkii ciyaarta ayaa la waydiiyay sida uu u arko ku guulaysiga kubadda dahabka, wuxuuna yiri:

“Haatan kuma fikirayo ku guulaysiga Ballon d’Or, arinka muhiimada ii leh waa in xulkeygu uu ku guulaysto koobka adduunka”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close