Goorma ayaa la ciyaarayaa kulamada Semi Final-ka koobka adduunka?

(Moscow) 08 Luulyo 2018 Waxaa la xaqiijiyay 4-ta xul ee isugu soo haray Semi Final-ka koobka adduunka oo la ciyaarayo maalmaha soo socda.

Xulalka France, Belgium, England iyo Croatia ayaa u soo gudbay Semi final-ka koobka adduunka sanadkaan 2018.

Kulamada Semi Final-ka ayaa la ciyaarayaaTalaadaa iyo Arbacada ee isbuucaan, waxayna u kala ciyaarayaan sidaan:

France vs Belgium: Kulankaan ayaa la ciyaarayaa Talaadada 9-ka fiidnimo ee waqtiga bariga Afrika.

England vs Croatia: Kulankaan ayaa la ciyaarayaa Arbacada 9-ka fiidnimo ee waqtiga bariga Afrika.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close