“Cristiano Ronaldo wuxuu sii joogi doonaa kooxda Real Madrid”… Luka Modric

(Real Madrid) 08 Luulyo 2018. Luka Modric ayaa wuxuu ka hadlay wararka xanta ah ee ku aadan in Cristiano Ronaldo uu u dhaqaaqi doono kooxda reer talyaani ee Juventun.

xidiga khadka dhexe kooxda Real Madrid ayaa ka caawiyay xulkiisa Croatia in ay u gudbaan wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018, waxayna isku arki doonaan xulka qaranka England.

Cristiano Ronaldo ayaa maalimihii lasoo dhaafay shaki la galinayay mustaqbalkiisa garoonka Santiago Bernabéu, kadib markii ay soo baxeen warar ku aadan in Juventus ay kula wareegi doonto aduun dhan 100 million euro suuqan xagaaga.

Hadaba Modric ayaa kadib guushii ay ka gaareen Russia wuxuu ka hadlay mustaqbalka saaxiibkiis reer Portugal Cristiano Ronaldo.

“Waxaan u maleynayaa in Cristiano Ronaldo uu sii joogi doono Real Madrid, tani waa arag tida aan qabo,

“Waxay noqon doontaa wax aad u wanaagsan hadii uu sii joogo kooxda, sababtoo ah ma maleyn karo inuu u dhaqaaqi doono koo kale ee qaarada yurub ah”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close