ARAG: Wixii uu sameeyay Luka Modric markii lagu yiri in Ronaldo uu ku biirayo Juventus

(Europe) 08 Luulyo 2018. Cristiano Ronaldo ayaa qarka u saaran inuu adduun dhan 88 milyan oo bound ugu biiro camaaliqada Talyaaniga ee Juventus.

Waxaa lagu wadaa inuu jeebka ku shubto sanadiiba mushaar dhan 26 milyan oo bound.

Luka Modric iyox oo ku sugan xerada Tababarka xulka Croatia ayaa la waydiiyay sheekada ku aadan in Ronaldo uu ku sii jeedo Juventus.

Jawaab halkii laga sugayay ayuu Qosol yar qac ka siiyay iyagoona u jeestay Tababarkooda.

Ivan Rakitic oo isla su,aashaas la waydiiyay ayaa isna sida Modric ku qoslay wariyaha kuna sii jeestay Tababarkiisa.

Modric oo ay saaxiibow dhow yihiin xiddiga reer Portugal ayaa isagu wareysi uu bixiyay ku sheegay inuu Ronaldo Real Madrid la sii joogi doono.

Taageerayaasha Juve ayaa durba sii bilaabay inay iibsadaan maaliyada Ronaldo oo lagu xardhay Lambarka uu caanka ku yahay ee No.7.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close