Ancelotti oo u sheegay Ronaldo war u sii dhawaynaya inuu si dhaqso ah uga tago Real Madrid!

(Madrid) 08 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Napoli ee Carlo Ancelotti ayaa u sheegay Ronaldo hadal u sii dhawaynaya inuu si dhaqso ah uga tago kooxdiisa.

Corriere dello Sport ayaa baahisay in Carlo Ancelotti uu taleefanka kala hadlay Cristiano Ronaldo, wuxuuna u sheegay in tababare Allegri uu yahay mid aad ugu haboon isaga.

“Allegri waa tababare aad kuugu haboon adiga” ayuu ku yiri tababare Ancelotti laacibka Real Madrid ee Cristiano Ronaldo.

Carlo Ancelotti ayaa ku taageeray Ronaldo go’aanka uu uga tagayo Real Madrid isla markaana uu ugu dhaqaaqayo kooxda Juventus.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close