Aabaha dhalay Mesut Ozil oo kula taliyay inuu iska casilo ciyaaraha caalamiga ah

(Rusia) 08 Luulyo 2018. Mustafa Ozil ayaan ku qancin eedeymaha uu helayo wiilkiisa Mesut Ozil, kadib markii uu xulka qaranka Germany uu isaga haray koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

Mustafa Ozil ayaa wareysi uu ku bixiyay wargeyska “Bild” dalka Germany wuxuu kaga hadlay xaalada wiilkiisa.

“Hadii aan booskiisa joogi lahaa waan ka tagi lahaa xulka qaranka Germany”.

“Waxaan dhihi lahaa, waad mahadsan tihiin, waxaan sameeyay qalad weyn”.

Intaa waxaa dheer Mustafa Ozil ayaa wuxuu ka jawaab celiyay hadaladii Oliver Bierhoff ee ku aadanaa Mesut Ozil, kadib markii uu sheegay inaysan ku habooneen in Ozil aan loogu yeerin xulka Germany kadib kulankii uu la qaatay madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogaan.

“Ma awoodaan in ay si wanaagsan u maamulaan dhibaatada jirta, fikirka ah in Ozil aan loogu yeerin koobka aduunka waa kaftan”.

“Xili kasta hadal qabsiga wuxuu ahaa marka guul la gaaro waxaan u guuleesanay si wada jir ah, laakiin marka ay guuldaro timaado, miyuu sabab u ahaa  Mesut Ozil?”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close