“Waan ku biirayaa Barcelona haddii ……….” – Pogba oo hadalkaan u sheegay Umtiti!

(Moscow) 07 Luulyo 2018 Xiddiga xulka qaranka France iyo kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa si wayn u doonaya inuu ku biiro Barcelona suuqa xaggaagan.

Laacibka iyo tababarihiisa Jose Mourinho ayaa isku dhacay bilowgii sanadkaan, isku dhacaas ayaana keenay in laacibka la fariisiyo keydka dhawr kulan xiliciyaareedkii dhamaaday.

Image result for Pogba Umtiti

Shabakada Don Balon ayaa daaha ka qaaday hadal Pogba uu ku yiri saaxiibkiis Samuel Umtiti kaas oo u ciyaara Barcelona.

Pogba ayaa u sheegay Umtiti inuu ku biirayo Barcelona haddii ay bixiso 100 milyan oo euro oo ah lacagtii Manchester United ay uga soo qaadatay Juventus xaggaagii 2016.

Lucas Digne, Samuel Umtiti iyo Dembele oo ka tirsan xulka France ayaa u ciyaara Barcelona, Pogba ayaana jeclaan lahaa inuu ka ciyaaro La Liga.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close