Neymar oo markii ugu horeesay ka hadlay inay soo idlaatay rajadii ay ka qabeen ku guuleysiga koobka aduunka 2018.

(Russia) 07 Luulyo 2018. Laacibka reer Brazil ee Neymar Jr ayaa wuxuu xaqiijiyay in ka harisristooda koobka aduunka 2018 ay ahayd waqtigii ugu xumaa xirfadiisa kubada cagta.

Neymar Jr ayaa bartiisa “Inistigram” soo dhigay qoraal uu ku cadeenayay in aysan jirin xili kaga xumaa xirfadiisa kubada kadib markii ay ka hareen koobka aduunka 2018.

“Waxaan dhihi karaa tani waa xilligii ugu xumaa ee xirfadeyda kubada cagta”.

“Aad ayay ii xanuun jineysaa sababtoo ah waan ogayn inaan guuleysan karno, waxaan ogeyn inaan heysano xaalad aan ku sii wadi karno inaan sameyno taariikh, laakiin taasi ma dhicin”.

“Way adag tahay in aad cusbooneysiiso in markale aad ciyaarto kubada cagta, laakiin waan hubaa in markale aan heli doono awood aan ku ciyaaro kubada cagta, kadib guuldaradii aan la kulanay”.

“Waan ku faraxsanahay inaan qeyb ka noqdo kooxdan, waxaan ku faanayaa sidoo kale qof kasta ee ku sugan, Riyadu way dhammaatay, laakiin waan noolaan doonaa”.

Si kastaba xulka qaranka Brazil ayaa guuldaro 2-0 kala kulantay dhigooda Belgium, kadib markii ay ku wada ciyareen wareega 8-da koobka aduunka 2018.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close