Mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda Real Madrid oo qeyb kasoo noqday qorshaha Napoli ee suuqa xagaaga

(Napoli) 07 Luulyo 2018 Kooxda Talyaaniga ee Napoli ayaa ku dhawaaqday inay dooneyso lasoo saxiixashada mid ka mid ah xidigaha ugu muhiimsan kooxda Real Madrid inta lagu jiro suuqa xagaaga.

Sida laga soo xigtay News Calcio macalinka Carlo Ancelotti ayaa la qaatay kulan madaxweynaha kooxda Napoli Aurelio De Laurentiis wuxuuna ku war galiyay in ay muhiim tahay in kooxda sameyso saxiixyo dheeri ah.

Wararka ayaa waxay sidoo kale intaas kusii darayaan in labada mas’uul ay ka wada hadleen saxiixyada ay kooxda u baahan tahay.

Aurelio De Laurentiis iyo Carlo Ancelotti ayaa sidoo kale ka wada hadlay suurtagalnimada ay kula soo saxiixan karaan Karim Benzema suuqan xagaaga.

Napoli ayaa la filayaa in Karim Benzema ay ka dhigan doonto bar-tilmaameedkeeda koowaad ee suuqa kala iibsiga, maadaama uu Carlo Ancelotti si aad ah u xiiseenayo saxiixa laacibka

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close