Manchester United oo ku soo biirtay tartanka saxiixa Yerry Mina

(Manchester) 07 Luulyo 2018 Manchester United ayaa si awood ah u soo gashay tartanka loogu jiro saxiixa daafaca kooxda Barcelona iyo xulka Colombia ee Yerry Mina.

Wargayska Sport ayaa daaha ka qaaday in Man United ay indhaheeda u soo weecisay 23 jirkaan kadib qaab ciyaareedkii fiicnaa ee uu ku soo bandhigay koobka adduunka.

Image result for Yerry Mina Man United

Yerry Mina 3-gool ayuu u dhaliyay xulkiisa koobka adduunka, wuxuuna soo bandhigay qaab difaaceed uu aad ula dhacay tababare Jose Mourinho.

Tababare Valverde ayaan la dhacsanayn qaab ciyaareedka Yerry Mina, kooxda ayaana ku fikiraysa inay amaah ku dirto laacib kaan suuqa xaggaagan.

Manchester United ayaa loolanka saxiixa Yerry Mina qayb kala soo noqotay Liverpool, Fenerbahce iyo Real Betis.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close