Klopp oo amaanay Jordan Henderson kadib markii xulka Ingiriisku uu gaaray Semi Final-ka koobka adduunka

(Liverpool) 07 Luulyo 2018 Tababaraha kooxda Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa amaanay kabtanka kooxdiisa ee Jordan Henderson kadib markii xulka ingiriisku uu gaaray Semi Final-ka koobka adduunka.

Xulka qaranka Ingiriiska ayaa 2-0 uga adkaaday dhigiisa Sweden, sidaas ayuuna ku gaaray Sami final-ka koobka aduunka.

Image result for Jordan Henderson Klopp

Klopp ayaa sheegay in Jordan Henderson uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay koobka adduunka, wuxuuna ku tilmaamay inuu yahay kabtan xaqiiqi ah.

“Ma daawan ciyaarta, balse ilaa haatan wuxuu ciyaaray koob adduun oo cajiib ah” ayuu yiri tababare Klopp oo amaanay Jordan Henderson.

“Aad ayuu u bislaaday, hogaamiye xaqiiqi ah ayuu u yahay kooxda, taasna waa mid aad arki karto”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close