Xulka qaranka France oo u gudbay wareega afar dhamaadka koobka aduunka 2018 kadib markii uu guul ka gaaray Uruguay

(Russia) 06 Luulyo 2018. Xulka qaranka France ayaa gaaray wareega afar dhamaadka koobka adduunka 2018 kadib markii ay ka gudbeen dhigooda Uruguay 2-0.

Kulanka ayaa ku bilaawday cajiib ah iyadoo labada dhinac ay si xoogan isku weerareen, xulka qaranka Uruguay ayaa waxaa kulankan ka maqnaa xidigooda muhiimka ah ee Edinson Cavani, kadib markii uu dhaawac kasoo gaaray kulankii Portugal

Kulanka ayaa qeybtiisa hore ay ku kala nasteen labada xul France iyo Uruguay 1-0 ay ku hogaaminayeen wiilasha Didier Deschamps ee France.

Goolka koowaad ee xulka qaranka France ayaa waxaa u dhaliyay difaaca kooxda Real Madrid Raphael Varane daqiiqadii 40-aad, kadib markii uu ka caawiyay Antoine Griezmann

Qeybtii labaad marka dib leysugu soo laabtay ayay sheeko halkeeda kasii wadeen labada dhinac markale soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyadoo labada dhinacba ay sameeyeen isku dayo macquul ah.

Laakiin daqiiqadii 61-aad ee qeybtii labaad ciyaarta xulka qaranka France ayaa markale la yimid goolka 2-aad ee ciyaarta waxaana u dhaliyay Antoine Griezmann, kadib markii uu ka caawiyay Corentin Tolisso

Ugu dambeyn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 2-0 ay guusha ku raacday xulka qaranka France oo u gudbay wareega xiga ee afar dhamaadka koobka aduunka 2018.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close