Lothar Matthaus oo saadaal ka bixiyay labada xul isugu soo hari doonta finalka koobka aduunka 2018

(Russia) 06 Luulyo 2018. Lothar Matthaus, ayaa wuxuu ka warbixiyay rajadiisa ku aadan labada xul qaran uu u arko in ay isugu soo hari doonaan finalka koobka aduunka 2018 ee haatan ka socda dalka Russia.

“Waxaan qabaa in Brazil ay wajihi doonto England finalka Koobka Aduunka 2018”.

“England waxay heystaan xidigo aad ay tayadooda u wanaagsan tahay, xawaaraha, iyo sidoo kale iyo weeraryahanka cajiibka ah ee Harry Kane”.

“Kalsoonida ay ku qabaan awoodooda waxay u muuqataa inay tahay mid aad u weyn, xulka saddexda libaax ma yaqaaniin wax cabsi ah, sidoo kale waxay ka faa’iideysanayaan tababaraha Gareth Southgate”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close